QM oo sheegtay in isbadalada ka socda Soomaalia ay muujinayaan guulo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  maalinimadii shalay warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in isbadalada ka socda dalka Soomaalia ay muujinayaan guulo wax ku ool ah ,hasa yeeshee loo baahan yahay in laga hortago waxyaabaha khatarta galinaya horumarkaasi.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar ku aadan dhismaha dalka iyo hey’adihii dowladnimo oo shaqeynaya,laakiin waxaa haboon in laga howlgalo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada islmarkaana loo soo afjari lahaa waxaa sidaas  yiri “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Guterres,ayaa xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jireen rabshado kooban oo ay ka dambeeyaan kooxaha caadeystay daadinta dhiiga dadka rayidka ah ,wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo ka hortagga kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay Soomaaliya waxaa ka jiray dagaallo sokeeye,kooxo argagixiso ah iyo macluul aad u daran ka dib,waxaa muuqda dib u dhis iyo heyado dowladnimo oo shaqeynaya laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...