Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka UK oo hoosta ka wada xariiqay qoto dheeridda xiriirka laba geesoodka

Date:

Mogadisho (SNTV)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender, waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...