Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda

Date:

Mogadisho (SNTV)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Isniintii ku qaabilay Muqdisho Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Ururka Midowga Yurub, Marwo Federica Mogherini, oo booqasho shaqo ku timid Caasimadda Soomaaliya iyadoo hoggaaminaysa wafdi weyn oo dhinacyo kala duwan leh.

Wasiir Cawad waxa kale oo uu qaabilay Kusimaha Agaasimaha Galbeedka iyo Bariga Afrika ee Ururka Midowga Yurub, Mudane Hans Stausboll, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaallaha.

Soomaaliya waxa ay xiriir saaxiibtinimo la leedahay Midowga Yurub, waxa ayna Xukuumadda Federaalku doonaysaa inay adkeyso xiriirkaasi mudada dheer soo jiray si loo taageero mashaariicda horrumarinta, loona gaadho kobac dhaqaale oo hoos u dhigaya heerka shaqa la’aanya si sare loogu qaado heerka nolosha, lana horrumariyo dadaallada lagu bixinayo dhammaynta rabshadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee soo noq-noqda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...