Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo kulmay

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Aqalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa ugu hambalyeeyay Xilka cusub ee loo igmaday.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Agaasime Dr Nuur uu ku yaqaano firfircooni shaqo uuna rajeynayo in uu kasoo dhalaali doono shaqooyinka adag ee horyaala.

Dhankiisa Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa uga mahad naqay soodhoweynta wanaagsan iyo talooyinka wax ku oolka ah ee Guddoonka Aqalka ay sida wadajirka ah ula wadaageen isagoona rajeeyay in la sii joogteeyo xiriirka wada shaqeyneed.

Waxaa kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ku wehliyay Ku-xigeenkiisa Koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed halka Agaasimaha Madaxtooyada ay ku wehliyeen Abuukaate Kayse Cartan iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo ka mid ah lataliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka ayaa kusoo gebogaboobay is faham iyo in la dardargaliyo shaqooyinka qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...