Xamar Jajab oo caawa u gudubtay wareeggaLabaad ee tartan Cilmiyeed Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Shan iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Gaalkacyo, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartanka caawa oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab waxa uu ku soo idlaaday bar bar dhac 88, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo sida uu dhigayo sharciga tartanka.

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ayaa si sax ah uga jawaabay su’aashii sideedaad ee la weydiiyay, balse tartamayaasha Gaalkacyo ayaa dhankooda iska qalday su’aashii dheeriga ahayd, dhigooda Xamar Jajab kama aysan faa’iideysan fursadaas, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay la yidaameen Xamar Jajab noqotay 10 dhibcood, halka Gaalkacyo ay la timid 8 dhibcood oo qura.

Hadaba kulankii 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona kulanka koowaad ee wareegga labaad Degmooyinka Warta Nabadda iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo sanadkii tegay ku kulmay kulankii kama dambeysta ahaa, iyadoo ay tartanka ku guuleysatay Kismaayo oo sanadkan difaacaneysa..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...