Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magacaabay Guddi Dhamays-tiraya Qorshaha Dayn Cafinta Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe.

Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...