Xukun dil ah oo lagu riday saddex ka mid ah raggii loo heystay Kiiska Caasho Ilyaas Aadan

Date:

Muqdisho (SNTV):- Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka raggii ku eedeysnaa Kiiska Caasho Ilyaas Aadan oo dhowaan Kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Maxkamada Sheikh Cabdinuur oo ku dhawaaqay Xukunka ayaa sheegay in eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulineyso Maamulka Puntland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay dambi ku wayday,sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in eedeysanayaasha la xukumay ay heystaan bil racfaan haddii aysan ku qancin xukunka.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Gaalkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Kiiska Caasho Ilyaas Aadan ka hadlay ayaa faray laamaha ammaanka iyo Garsoorkaba in cadaalada la marsiiyo raggii ka dambeeyay Kiiskaasi Foosha xun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal...

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax...

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...