Maamulka Gobalka Nugaal oo Garowe Afur Sharafeed Ugu Sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb galay afur sharafeed uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Garowe.

Afruka Sharafeedka ay maamulka gobalku u sameeyeen ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin Kale.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre  ayaa caawa booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto ee magaalada Garowe  si uu u xog waraysto shacabka magaalada una ogaado, isaga oo sidoo kale tegay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa  bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad geliyada iyo horumarka ay iska kaashadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...