Marxuum Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo Muqdisho Aas Qaran Loogu Sameeyay

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin  kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto.

Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uuna qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, Maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...