Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidanka Ammaanka, Guddoomiye ku xigeennada Gobolka, khubaro ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga iyo dariseynta, si looga hortago falalka arxan darrada ah ee Argagixsadu ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada degmooyinka, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah iyo guulo wax ku ool ah oo la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka ay hubaal tahay in lagu guuleysanayo xasilinta caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...