Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Bilicda iyo Amniga Caasimadda

Date:

Abril 24, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir ayaa amray laamaha Dawladda Hoose in ay dardar geliyaan hawllaha Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda maadama la galay xilli roobaadkii.

Eng.Yariisow ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda, gaar ahaan mulkiileyaasha goobaha ganacsiga in ay la shaqeeyaan hawla wadeennada Dawladda Hoose ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta bilicda iyo fayo dhawrka bulshada.

Sidoo kale, Shirka Tubta Gobolka waxaa lagu soo bandhigay dib u eegsita Xeerka Maareynta Qashinka, Looxa hawllaha Halbeegyada Tubta, Dhammeystirka Qalabka Electronic-ga ah ee Gobolka iyo wada shaqeynta Maamullada heer Degmo iyo Laamaha Ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isla meel dhigay dardar gelinta ka qeyb qaadashada barnaamijka Isxilqaan ee dalka lagu dhisayo, iyagoona uga mahadceliyey qeybaha bulshada doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska, dayactirka iyo biliceynta Gobolka.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...