Madaxweynaha JFS oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibaatada kooxda Al Shabaab ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amni Soomaaliya ka hana qaada.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...