Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo soo bandhigtay waxyaabaha uga qabsoomay Halbeegyadeeda

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo bandhigtay waxyaabihii uga qabsoomay halbeegyada Wasaaraddu ku leedahay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha.

Wasiirka, Md. Cabdi Cashuur Xasan, oo ka hadlayay habeegyada ayaa sheegay in wasaaraddu leedahay 9 halbeeg oo ah waxyaabaha ugu waaweyn ee mudnaanta u leh ee ay ka shaqeyneysay tan iyo 2017-dii, kuwaasoo ka baxsan hawl-maalmeedka Wasaaradda.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in afar ka mid ah sagaalka halbeeg in 100% la dhammeeyay, halka shanta soo hartay hawlo badan ay ka socdaan, qaarkoodna gabogabo ku dhow yihiin.

“Hadduu Alle idmo marka lagu wada guuleysto halbeeygadan waxaan rajeyneynaa in isbeddel muuqda laga dareemi doono isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Guji mareegtan si aad u aqrisato buug-yare lagu soo ururiyay Halbeegyada WBIT.

Halbeegyada-WBIT-ee-Tubta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...