Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle

Date:

Muqdisho (SNTV)–Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay u fadhiisatay dacwad ay horgeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, kaasi oo ku saabsan Dawaddii Marxuum Axmed Muqtar (Axmed Dowle), kaasoo lagu gubay Degmada Yaaqshid taariikhdu markay aheyd 20.9 .2018-kii ee sanadkii la soo dhaafay.

Waxaana Dacwadaan u eedeysan todobo Ruux , iyadoo seddax ka mid ahna la soo qabtay taariikhdu marki ay ahayd 21.09.2018-ki, halka seddax kale oo ku eedeysan dacwadan la soo qabtay 17.10.2018-kii, halka eedeysaneha todobaad uu yahay maqane.

Markii dacwadda la guda galay waxaa caddeymo iyo maragyo soo gudbiayay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dood dheer kadib Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado maalinta arbacada ah taariikhdu ay ku beegan tahay 24.04.2019-ka, si dacwadu u sii socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...