Eng. Yarisow “Argagaxisadu ha ogaato in Shacab iyo Ciidan midna aysan ka baxsan karin”

Date:

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xalay fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi dhagar-qabe ah oo bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ”

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga, bacdamaa aysan argagixisadu cid gaar ah beegsanayeen oo baneysteen dhigga ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...