Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku baaqay in wadahadal lagala yeesho Ethiopia wabiga Shabeelle

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowlada federalka Soomaaliya inay soo farogeliso arrimaha biyo la’aanta wabiga Shabeelle ee xilliyada deyrtii.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay abuurka bariis cusub oo ay shirkad la magac baxday Danwadaag ku soo bandhigtey magaalada Jowhar ayaa ka hadlay biyo la’aanta ka jirta biyaha wabiga Shabelle oo mara gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in si loo gaaro qorshaha la doonayo in lagu horumariyo tacabka bariiska oo biyo joogta ah u baahan in dowlada federalka ay soo farogeliso biyaha wabiga Shabelle.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowlada Federalka inay wadahadal rasmi ah oo wax ku ool ah kala yeelato dowlada Itoobiya maareynta biyaha wabiga Shabeelle sida sharciga caalamiga ah uu qabo si Dowlada iyo beeralayda Soomaaliyeed ay u helaan qeybta ay xaqa ugu leeyihiin.”

Wabiga Shabeelle ayaa dhowrkii sano ugu dambeysay waxaa ka jirey biyo la’aan xilliga jiilaalka iyadoo beeralay badan ay qasaare ka soo gaarto biyo la’aanta wabiga.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...