Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka qeybgalay shirka horumarinta Tiknolojiyada

Date:

Geneva (SNTV) Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyadda ayaa ka socda magaalada Geneva ee Dalka Swizerland,kaasi oo wadamada ka qeybgalaya ay Soomaaliya kamid tahay.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyada World Summit for Information Society (WSIS).

Inta uu socdo shirkaasi oo ah int au dhexeysa 8/ilaa 12 bishan April ayaa diiradda lagu saarayaa,aragtiyo iyo talooyin muhiim ah ee ku aadan kaalinta Tiknolojiyadda ee horumarinta bulshada.

Mudane Cabdi Sheekh Axmed Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa lafilayaa in kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda Hay’adaha kala duwan ee shirkaasi ka qeybgalaya,isagoo kalahadlaya xoojinta wadashaqeynta,maadamaa Soomaaliya ay kamid tahay wadamada haatan ku socda dhabaha horumarka ee dhinaca Tiknolojiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...