Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka qeybgalay shirka horumarinta Tiknolojiyada

Date:

Geneva (SNTV)ย Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyadda ayaa ka socda magaalada Geneva ee Dalka Swizerland,kaasi oo wadamada ka qeybgalaya ay Soomaaliya kamid tahay.

Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyada World Summit for Information Society (WSIS).

Inta uu socdo shirkaasi oo ah int au dhexeysa 8/ilaa 12 bishan April ayaa diiradda lagu saarayaa,aragtiyo iyo talooyin muhiim ah ee ku aadan kaalinta Tiknolojiyadda ee horumarinta bulshada.

Mudane Cabdi Sheekh Axmed Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa lafilayaa in kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda Hayโ€™adaha kala duwan ee shirkaasi ka qeybgalaya,isagoo kalahadlaya xoojinta wadashaqeynta,maadamaa Soomaaliya ay kamid tahay wadamada haatan ku socda dhabaha horumarka ee dhinaca Tiknolojiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale