Ciidamada amniga oo la wareegay keydkii hubka Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlagaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay duleedka Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa.

 

Jen. Zakiya oo xalay shir jaraaโ€™id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha lagu qabtay hub fara badan, sida bambooyin, miinooyin, suumanka qaraxyada iyo agabyo kale oo lagu aasay god ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaa ay sheegtay inuu ahaa keydkii ugu weynaa ee hubka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay laheyd oo lagu qabto duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka Booliska ayaa sheegtay in illaa 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Afgooye, halka 14 kalena laga soo qabtay deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Ugu dambeyn Holwgalada ayay sheegtay inay sii socon doonaan, isla markaanaย  Maleeshiyaadka naflacaariga Al-shabaab looga daba tegi doono meel walba oo ay galaan, si dalka looga ciribtiro cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...