Ciidamada amniga oo la wareegay keydkii hubka Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlagaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay duleedka Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa.

 

Jen. Zakiya oo xalay shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha lagu qabtay hub fara badan, sida bambooyin, miinooyin, suumanka qaraxyada iyo agabyo kale oo lagu aasay god ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaa ay sheegtay inuu ahaa keydkii ugu weynaa ee hubka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay laheyd oo lagu qabto duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka Booliska ayaa sheegtay in illaa 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Afgooye, halka 14 kalena laga soo qabtay deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Ugu dambeyn Holwgalada ayay sheegtay inay sii socon doonaan, isla markaana  Maleeshiyaadka naflacaariga Al-shabaab looga daba tegi doono meel walba oo ay galaan, si dalka looga ciribtiro cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...