Madaxweynaha JFS oo bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Shuhadada ee Villa Somalia ayaa bogaadiyay hawlgallada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo garab istaagga ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen hawlgallada socda.

 

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in hadafka Howlgalada socda ay yihiin in lasoo afjaro cadowga Umadda Soomaaliyeed ee isku daya mar waliba dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo aan kala soocin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Amniga uu yahay muhiim islamarkaana loo baahanyahay in Umadda oo dhan ay kawada qeyb qaataan oo lagu gacan siiyo ciidamada Amniga.

“Baryahaan Dambe Ciidamadeenu wey howlgaleen, Dhowr bare ayey ka qabteen Cadowga Argagixisada ah ee Khawaarijta ah oo ay kasoo gudubsan jireen waxyaabaha Qarxa si Muqdisho u keenaan oo ay ugu laayaan Umad fara badan hanta badana ay ku bur buriyaan, Macanaheedu waxey tahay anagoo dhan iyo shacabka Soomaaliyeedba waxey Argagixisadu noo arkaan Cadow”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Amniga uu yahay mid kawada dhaxeeya Umadda islamarkaana loo baahanyahay in si wadajir ah looga shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in ciidanka Amniga looga mahad celiyo dadaalada xoogan oo ay wadaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...