Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta

Date:

Muqdisho (SNTV)-Xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa maanta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku wareejiyay gabi ahaanba Qalab xafiiseedyadii ay ku shaqeynayeen xafiisyada waxaana ka mahad celiyay taliska Asluubta.

 

Sida uu qorshuhu yahay waxaa dhisme lagu sameyn doonaa maalmaha soo socda dhismaha xafiiska Hanti- dhowrka guud ee Qaranka oo si casri ah loo qalabeyn doono isla markaana qorshuhu yahay inuu noqdo mid bilic wanaagsan sidaas daraadeed ayaa qalabkii xafiiska maanta lagu wareejiyay taliska Asluubta.

Mas’uuliyiinta xafiiska hanti-dhowraha guud ayaa sheegay in muhiimadu tahay in Qalabkaan oo isugu jira mid cusub iyo mid xafiisyada yaalay lagu wareejiyo Taliska Asluubta taasina ay qayb ka tahay iskaashiga labada hay’ad iyo in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Jeneraal Cabdikariin Cali Afrax ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta Xafiiska hanti dhowraha guud qalab xafiiseedka ay ku wareejiyeen, waxaana uu xusay in wax badan uu qalabkani u tari doono bilicda xafiisyada Taliska.

“Xafiiska Hanti-dhowraha guud si wanaagsan buu noola shaqeeyaa waan u mahad celinayaa mas,uuliyiinta runtii madaxda Xafiiska waan uga mahad celinayaa anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha Ciidanka Asluubta waa agab muhiim ah talisku waxaa uu ku talo jiraa in wax soo saarkiisa uu kordhiyo oo uu wax badan ka qayb qaato wax soo saarka dalka”ayuu yiri Taliye xigeenka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...