Ciidamada amniga oo bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Sh/hoose

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada amniga ayaa bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha hoose,halkaasi oo ay ka soo abaabuli jireen falal guracan oo ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgal qorshaysan oo Ciidamada amnigu fuliyeen habeenimadii 29-ka Bisha Maarso ayaa lagu burburiyay Saldhiga argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Bariire ee Gobolkaasi.

Sidoo kale, Howlgalka ayaa lagu soo xiray dhagar-qabe ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,waxaana inta ay ciidamada howlgalka ku guda jireen gacanta ku dhigeen qalab dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab,kuwaasi oo ay u isticmaali jireen iney ku waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, ma jirto waxyeelo soo gaartay Ciidanka amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka howlgalka laga fuliyay ku sugnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...