Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaaalka Soomaaliya oo maanta ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, waxana safarka ku weheliya madax kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashadda, waxana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan  Malaaq (kool kooliyow) iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan ka socda wasaaradda waxbarashadda ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gali doona shir wadatashi ah oo u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda iyo wasaaraddaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka.

Shirka ayaa socon doono muddo saddex maalmood ah shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalinta beri ah gaari doona magaalada Baydhabo si uga qeyb galo shirka u dhexeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamulada ka jira dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...