Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Ee Hirshabeelle Oo Looga Hadlay Ajandayaal Dhowr Ah

Date:

Muqdisho (SNTV):-Guddi hoosaadka golaha wasiirrada Hir-shabeelle ee tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa yeeshay shirkooda todobaadlaha ah ee Tubta kaas oo looga hadlay ajandayaal muhiim ah oo ku jira halbeegyada la doonayo in lagu dhaqan geliyo sannadkaan 2019.

Intii uu shirku socday, waxaa aad looga hadlay Dhismaha Goloyaasha deegaanka, Hir-galinta Hannaanka Dhab-u-hishiisiinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, Dib-u-eegista Dastuurka Dowlad goboleedka Hirshabelle, si loo waafajiyo Dastuurka Qaranka iyo ka qayb qalka wadatashiyada dib-u-eegista dastuurka qaranka.

Shirka ay isugu yimaadeen Guddi hoosaadka golaha wasiirrada Hir-shabeelle ee tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay ka qayb qaadashada hanaanka federaaleynta iyo dib u dhiska dalka.

Dhawaan ayaa lagu guulaysatay in shaqo howleedka dawlad gobaleedka Hir-shabeelle la waafajiyo tubaha qaranka arrintaas oo qayb ka ah dadaallada lagu daadejinayo shaqooyinka loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed si wadajir ah, laguna adkaynayo wada shaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...