Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Ee Hirshabeelle Oo Looga Hadlay Ajandayaal Dhowr Ah

Date:

Muqdisho (SNTV):-Guddi hoosaadka golaha wasiirrada Hir-shabeelle ee tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa yeeshay shirkooda todobaadlaha ah ee Tubta kaas oo looga hadlay ajandayaal muhiim ah oo ku jira halbeegyada la doonayo in lagu dhaqan geliyo sannadkaan 2019.

Intii uu shirku socday, waxaa aad looga hadlay Dhismaha Goloyaasha deegaanka, Hir-galinta Hannaanka Dhab-u-hishiisiinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, Dib-u-eegista Dastuurka Dowlad goboleedka Hirshabelle, si loo waafajiyo Dastuurka Qaranka iyo ka qayb qalka wadatashiyada dib-u-eegista dastuurka qaranka.

Shirka ay isugu yimaadeen Guddi hoosaadka golaha wasiirrada Hir-shabeelle ee tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay ka qayb qaadashada hanaanka federaaleynta iyo dib u dhiska dalka.

Dhawaan ayaa lagu guulaysatay in shaqo howleedka dawlad gobaleedka Hir-shabeelle la waafajiyo tubaha qaranka arrintaas oo qayb ka ah dadaallada lagu daadejinayo shaqooyinka loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed si wadajir ah, laguna adkaynayo wada shaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...