Israa’iil ayaa fulisay weerarro ay ku bartilmaameed sanayso goobo ay Xamaas ku leedahay marinka Qaza

Date:

Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa  xafiiska  madaxa siyaasadda ee Xamaas iyo xarunta sirdoonka ee ururkaas leyahay.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in toddobo ruux ay ku dhaawacmeen weerarradaas.

Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa ku eedeeysay in ay  Xamaasta  Qaza maamusha ay gantaallo ku soo riday bulshada Israa’iil ee ku sugan Mishmeret, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen toddobo ruux.

“Israa’iil u dulqaadan mayso arrintaas, una dulqaadan mahayo arrintaas,” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo saxafiyiin kula hadlay magaalad Washignton, hadalkaas ayuuna sheegay intii ay socotay xafladda loo qabtay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si rasmi ah ugu aqoonsaday in Israa’iil u madaxbanaan tahay buuraha Golan Heights oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee sannadkii 1967-dii.

“Israa’iil awood ayay kaga jawaabi doontaa weerarkan aan loo meeldayin,” ayuu intaas ku sii daray Netanyahu oo soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Maraykanka.

Trump ayaa weerarkaas cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid nacayb ku salaysan” wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku “uu aqoonsan yahay xaqa aan gorgortanka lahayn ee Israa’iil ay u leedahay in ay is difaacdo”.

Ilaa iyo hadda ma jirto koox Falastiiniyiin ah oo sheegatay in ay weerarka gantaallada ka dambaysay. Masuul Xamaas u hadlay oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay “in aysan xiiso u qabin” in ay arrintaas sameeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...