Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyey

Date:

SNTV;-Lataliyaha Koowaad ahna Kusimaha Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed ayaa ku sagootiyey Garoonka Caalamigga ee Khartoum qaxooti Soomaaliyeed oo go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda.

Kusimaha Safiirka ayaa ku bogaadiyey go’aanka geesinimada ah ee ay qaateen muwaadiniintaas Soomaaliyeed, isagoona ku dhiirri geliyey rajada wanaagsan ee ay ku qabaan dadkooda iyo dalkoodda.

“Muddo 4 biloodd ah kaddib waxaa caawa inoo suurta gashay in ay mira dhal noqdaan dadaaladii ku qotomay in aad dib ugu noqotaan dalkeenna, iyadoo la idiin rumaynayo yadadiiladiina ay ku dheehantahay wadaniyaddu.”

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan oo 78 qof ahaa ayaa ka kala yimid xeryaha qaxootiga dalalka Ereteria iyo Suudaan, badankoodna waa ilmo yar yar oo ku dhashay xeryahaas.

Dhankooda, Muwaadiniintan go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka joogtada ah ee lagu bixiyey xal u helista dhibaatooyinka ku haystay xeryaha qaxootiga, iyagoona muujiyey farxaddooda ku aadan in dib loogu celiyo dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...