Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyey

Date:

SNTV;-Lataliyaha Koowaad ahna Kusimaha Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed ayaa ku sagootiyey Garoonka Caalamigga ee Khartoum qaxooti Soomaaliyeed oo go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda.

Kusimaha Safiirka ayaa ku bogaadiyey go’aanka geesinimada ah ee ay qaateen muwaadiniintaas Soomaaliyeed, isagoona ku dhiirri geliyey rajada wanaagsan ee ay ku qabaan dadkooda iyo dalkoodda.

“Muddo 4 biloodd ah kaddib waxaa caawa inoo suurta gashay in ay mira dhal noqdaan dadaaladii ku qotomay in aad dib ugu noqotaan dalkeenna, iyadoo la idiin rumaynayo yadadiiladiina ay ku dheehantahay wadaniyaddu.”

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan oo 78 qof ahaa ayaa ka kala yimid xeryaha qaxootiga dalalka Ereteria iyo Suudaan, badankoodna waa ilmo yar yar oo ku dhashay xeryahaas.

Dhankooda, Muwaadiniintan go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka joogtada ah ee lagu bixiyey xal u helista dhibaatooyinka ku haystay xeryaha qaxootiga, iyagoona muujiyey farxaddooda ku aadan in dib loogu celiyo dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...