Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay hor kacayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Amniga Mohamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweeyay,isagoona sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu kulamo la yeelan doono Madaxda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi...