Muslimiintii lagu laayay New Zealand oo Maanta la aasay

Date:

Wellington-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Jimca ah la aasay Dadkii Muslimiinta ahaa ee Todobaad ka hor lagu laayay Laba Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Al-Nuur ka ka mid ah goobihii lagu laayay 50-ka Muslimiinta ahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay Dad ku dhow 20,000 Qof oo isaga kala yimid daafaha Caalamka.

Sidoo kale aaska iyo ducada loo sameeyay Dadkaasi ayaa waxaa ka qeyb gashay Madax ay ugu horreeyso Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi , Jacinda Ardern, iyadoo Muddo Laba Daqiiqo ah loo aamusay  Dadkii halkaasi ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaare, Jacinda Ardern, ayaa mar kale ku celisay in Maanta oo Jimca ah Idaacadaha Maxalliga ee Dalkaasi laga sii daayo Aadaanka, si Muslimiinta loogu muujiyo Garab istaag, isla markaana ay Dowladda iyo Shacabku ugu soo horjeedaan falkii ka dhacay Magaalada Christchurch.

Dinaca kale, waxaa Maanta markii ugu horreysay Salaadda Jimacaha lagu tukaday Labadii Masjid ee ay Todobaad ka hor mashaqu ka dhacday ee Lnwood iyo Al-Nuur, halkaasoo loogu duceeyay 50-kii Qof ee halkaasi ku shahiidday.

Isha/ Al-Jaziira

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...