Howlwadeennada Madaxtooyada Hirshabeelle oo loo tababarayo Daadejinta Tubaha Qaranka

Date:

Jowhar (SNTV):- Khuburo, la taliyaal iyo agaasinno ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay magaalada Jowhar ayaa maanta tababar u billaabay Howlwadeennada Madaxtooyada dawlad gobaleedka Hirshabeelle.

Tababarka ayaa hawlwadeennada lagu baranayaa qaab dhismeedka agaasinka golaha wasiirrada oo muhiim u ah qabashada shaqada golaha wasiirrada, ujeedooyinka iyo waajibaad shaqo ee laga doonayo.

Khuburada ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo howlwadeennada madaxtooyada Hirshabeelle ayaa isla meel dhigay qaab dhismeedka guddi hoosaadka golaha wasiirrada iyada oo lagu salaynayo tubaha qaranka si guddi hoosaad kasta uu qaybtiisa uga qaato daadejinta howlaha tubaha.

Aqoon kororsigaan ayaa hawlwadeenada madaxtooyada iyo guud ahaan dawlad gobaleedka Hir-shabeelle waxa uu ka caawinayaa dhismaha aasaaska dawladnida,  qorsheeeda, fulinteeda iyo isla xisaabtankeeda.

Tababarka la siinayo howl wadeennada iyo agaasinnada madaxtooyada Hirshabelle ayaa qayb ka ah Baahinta barnaamijka Tubaha qarana oo ah barnaamij ay ku cadyihiin qorshaha qaran ee siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulsha, amniga iyo cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...