Howlwadeennada Madaxtooyada Hirshabeelle oo loo tababarayo Daadejinta Tubaha Qaranka

Date:

Jowhar (SNTV):- Khuburo, la taliyaal iyo agaasinno ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay magaalada Jowhar ayaa maanta tababar u billaabay Howlwadeennada Madaxtooyada dawlad gobaleedka Hirshabeelle.

Tababarka ayaa hawlwadeennada lagu baranayaa qaab dhismeedka agaasinka golaha wasiirrada oo muhiim u ah qabashada shaqada golaha wasiirrada, ujeedooyinka iyo waajibaad shaqo ee laga doonayo.

Khuburada ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo howlwadeennada madaxtooyada Hirshabeelle ayaa isla meel dhigay qaab dhismeedka guddi hoosaadka golaha wasiirrada iyada oo lagu salaynayo tubaha qaranka si guddi hoosaad kasta uu qaybtiisa uga qaato daadejinta howlaha tubaha.

Aqoon kororsigaan ayaa hawlwadeenada madaxtooyada iyo guud ahaan dawlad gobaleedka Hir-shabeelle waxa uu ka caawinayaa dhismaha aasaaska dawladnida,  qorsheeeda, fulinteeda iyo isla xisaabtankeeda.

Tababarka la siinayo howl wadeennada iyo agaasinnada madaxtooyada Hirshabelle ayaa qayb ka ah Baahinta barnaamijka Tubaha qarana oo ah barnaamij ay ku cadyihiin qorshaha qaran ee siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulsha, amniga iyo cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...