Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho ka socota

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay socoto qaban qaabo xoog leh oo lagu soo dhowaynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa .

Madaxweyn Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inay xarigga jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan Labada Dal.

Boqolaal Dad-weyne oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...