Ciidanka XDS oo Gobolka Bakool ku laayay Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab

Date:

Xuddur-(SNTV)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyay Malleeshiyo ka mtirsan Kooxda ah Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaddan Fariisin ay Ciidanku ku leeyihiin degaanka Ceel-la heley ee Gobalka Bakool.

G/sare; Warsame Maxamed, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halka uu dagaalka ka dhacay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in weerarka ay Al-Shabaab kaga dileen Malleeshiyaad badan, iyagoo u firxaday dhinaca degaanka Garas weyne ee Gobolka Bakool.

Taliye Warsame ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan firxadka Al-Shabaab oo uu sheegay in ay qaar ka mid ahaa dhaawacooda oo geeriyoodayna ay Waddada ugu tageen, isagoo u mahad celiyay Shacabka degaannadaas oo kaalin ka geystay guusha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo...