Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo soo xirey shirka dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa sooxiray maanta shirka dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka oo muudo saddex maalmood ah kasocday muqdisho.

Waxaa kasooqayb galay Wasiirada Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta frika, Khubaro Ingineero soomaaliyeed & Midowga Yurub.

Mudadii uu shirku socday waxaa doodo iyo latashiyo lalayeeshay Wasiirada Maamul Goboleedyada sida ugu wanaagsan uguna dhakhsaha badan ee lagu horgalin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka.

Ilaa afar waddo oo waawayn iskuna xira gobolada dalka ayaa ladhisidoonaa waxaana kamid ah Baladwayne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow.

Gabagabadii shirka waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyinka wasiirka wasaaradda hawlaha guud DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa saxiixay waxa uuna xusay Muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay dhismaha Wadooyinku.

Sidoo kale Wasiir Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu isla maanta saxiixay heshiis deeq ay dowladda talyaanigu kaga qayb qaadanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada.

Waxaa uu shir laqaatay safiirka dowlada talyaaniga ee soomaaliya, madaxa haayadda horumarinta talyaaniga & bangiga horumarinta afrika.

“Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tahay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dhigo aan usoowada jeensano sidii wadanka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Wasiiradeena, Agaasimayaasheena & hawl wadeenada.

Wasaaradda Hawlaha Guud shaqadadeedo waxaa weeye in wadanka dib u dhisto” ayuu yiri Wasiir Hoosow gabagabdii Shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...