Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ku-simaha Madaxeweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dawlad Goboleedka Puntland oo maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho.

Kulan ay yeesheen ayey uga hadleen iskaashiga golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Intaasi ka dib ayaa waxa ay si wadajir ah ay u kormeereen xarunta KMG ah ee uu golaha shacabka ku shiri doono, taasi oo inta laga dhisayo xarunta weyn ee golaha shacabka oo dib u dhis uu ka bilaaban doono Marka xarunta kmg ah la dhameystiro.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ee Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Xakiin Axmed Maxamed ayaa uga mahad celiyay shacabka soo dhoweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...