Ciidamada amniga oo weeraray saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Shabeellada hoose.

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Hawlgal qorshaysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen Habeennimadii Xalay, kana dhacay degaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu dilay 8 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Degaanka Daaru-salaam ayaa Argagixisada Al-Shabaab u ahayd muhiim, halkaas oo ay ku diyaarinjireen Qaraxyo, waxanay sidoo kale u ahayd Il dhaqaale oo ay ku uruursan jireen Lacagaha baadda ah ee ay ka dhacaan Shacabka.

Ciidamada amnigu Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay muwaadiniinta wanaagsan ee ka Gacan siiyay dagaalka ay kula jiraan cadawga, waxana sheegeen in ay ugu tagayaan Argagixisada goobahooda kana qaadayaan tallaabada ku habboon.

Majirto waxyeello kasoo gaartay Shacabka howl-gallada lagu baacsanayay Kooxda Al-Shabaab, kaas oo kusoo dhammaaday si guul ah.

Waa hawlgalkii Sadexaad muddo Toban bari gudahood ah oo ay Ciidanada Qaranku ka fuliyeen goobaha ay joogaan  Al-Shabaab, kaas oo muujinaya sida ay Ciidamadu u awoodaan in ay ku beegsadaan argagixisada goob kasta oo ay joogaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...