Raโiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wafdiga Mudane Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbalnd iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalo xeebeedka Kismaayo.
Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Raโiisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga goโantahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu la kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Hadaba halkan Hoose ka daawo soo dhaweynta Raโiisul wasaaraha Soomaaliya.

