R/wasaare Khayre oo ku wajahan Kismaayo iyo qaban qaabada soo dhaweyntiisa oo halkaasi ka socota

Date:

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dawlad gobaleedka Jubaland ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhawaynayo Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maantaย  wajahan halkaasi.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku sugan masโ€™uuliyiin ka tirsan Jubbaland,iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kaladuwna ee magaaladaasi,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.

Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Raโ€™iisul Wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland,ย  lagu muujinayo soo dhawaynta heerkeedu sarreeyo ee Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay qaybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay Qaban-qaabada loogu diyaar garoobayo socdaalka Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Raโ€™iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga goโ€™antahay ilaalinta midnimada, wadajirka, horumarinta iyo soo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida kooxaha argagaxisada ah looga sifayn lahaa deegaannada ay dalka uga suganyihin.

Did you like this? Share it:

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...