Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiye oo ku wajahan dalka Kenya

Date:

March 5, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.

Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...