Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kasoo laabtay safar uu ku tegay Switzerland ayaa kormeeray dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, ayaa maamulka sare ee dekadda la qaatay kulamo looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda isaga oo faray in laga fogaado musuq-maasuq iyo maamul xumada.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maamulka dekadda ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan dakhli aruurinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka oo fududaynaysa caafinta daymaha lagu leeyahay dalka.

Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanaayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...