Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar

Date:

Qaahira (SNTV):-Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Abuubakar Isloow ayaa la kulmay  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa bogaadiyay kaalinta hoggaamineed ee  Masar ay ku leedahay Qaaradda Afrika.

Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya doonayso  in ay ka faa’iideysto khibradda Masar ee ku aaddan dhanka ciidamada booliska.

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay laba-laabaan dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo xasiloonida.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan tababaridda Booliska, waxuuna tilmaamay in ay muhiim tahay wada shaqeynta iyo inay laamaha amniga wadaagaan warbixinnada, si loo yareeyo dambiyada iyo falalka argagixisada.

Labada wasiir ayaa kala saxiixday is-fahan la xiriira iskaashiga arrimaha amniga iyo is-dhaafsiga khibradaha, iyadoo ay goob joog ka haayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...