Guddomiye Mursal oo Jordan uga qeybgalay shir horu dhac ah oo guddoonada Baarlamanada Carabta dhexmaray

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan.

Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta  iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu  qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...