Francisco Madeira” Weerarka argagixisadu ku qaadeen Goobaha Ganacsiga waxay cadeyn u tahay sida ay u ixtiraameyn xuquuqda aadanaha,”

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee Khamiistii ka dhacay caasimadda Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen  dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Francisco Madeira, oo ah Madaxa Howlgalka AMISOM iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga ay cadeyn u tahay sida xagjiriintu u ixtiraameyn xuquuda aadanaha ama u tixgelineyn ahmiyada nolosha u leedaha aadanaha.

“Ujeedkooda ugu muhiisam waa iney hoos u dhigaan horumarka ay gaareen Dowladda Federaalka,dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,saaxiibadooda ku howlan horumarinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayuu Madeira ku yiri war qoraal ah uu soo saaray.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa muujiyay  taageerada uu u hayo xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada soo gaartay.isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay in si dhaqsi ah u soo bogsadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

War-saxaafadeedka. Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda...