Xukuumadda oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedyo, Siyaasado iyo Heshiisyo

Date:

Muqdisho; Khamiis, Feberaayo 28, 2019 –Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay siyaasadda diiwaan gelinta aqoonsiga dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa wasiirradu dood dheer kadib waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda diiwan gelinta aqoonsiga dad-weynaha oo hagaysa nakhshadaynta, sharciyaynta, hir-gelinta iyo maamulka diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadwaynaha iyada oo laga faa’iidaysanayo teknoolajiyadda casriga ah.

Ujeedada diiwaan gelinta aqooniga dad-weynaha ayaa ah in la sameeyo xog-dhigis aqoonsi heer qaran taas oo lagu kaydiyo xogta aasaasiga ah ee dad-weynaha si loo hayo dhammaan xogta mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka dawada iyo hay’adda nidaam u samaynta dawada, siyaasadda qaran ee kobcinta awoodaha dawladaha hoose, heshiiska wada-shaqaynta maaliyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, Samaynta hay’adda maal-gelinta ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe, heshiiska hidda dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo midka dabiiciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kaa shanaya Ciidamada Deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada oo fulisay xukun dil ah oo lagu riday xubno Khawaarij ah

Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir...