Muqdisho-(SNTV)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hayโadda Qaramada midoobay u qaabbilsan maalgelinta Dad weynaha ee UNFPA, ayaa lagu cambaareeyay tacaddiyadii loo geysta Caaโisha Ilyaas Aaden, oo ahayd 12 Jir , dhowaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.
Hayโadda ayaa sheegtay in ay si weyn ugu damqadeen Gabadhaasi yar oo la kufsaday, si naxariis darro ahna loo dilay, ka dib markii laga afduubtay Gurigooda oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo.
Qoraalka ayaa lagu yiri, Hayโadda Caalamiga ah ee UNFPA, iyada oo gudaneysa masโuuliyadda ka saaran xakamaynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha, waxay cambaareyn xooggan Dusha uga tuurtay falka waxashnimada ah ee lagula kacay Caaโisha yar.
Falalka ku salaysan Jinsiga ee lagula kaca Haweenka ayay ku tilmaantay in uu yahay mid xad-gudub daran ku ah xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha, taas oo ay tusaale xun u tahay dilka iyo kufsiga lagula kacay Caaโisha yar, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay UNFPA.
โUNFPA waxay Garab taagan tahay Qoyska Caaโisha, waxayna si buuxda u taageeraysaa Bulshooyinka iyo Dadka u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga iyo xuquuqda Haweenka iyo midda aadanaha ee Soomaaliyaโ ayaa sidoo kale lagu yiro Qoraalka.
Hayโadda UNFPA, ayaa ugu dambayn ku baaqday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dilka Caaโisha iyo in Puntland laga hirgeliyo xeerka dembiyada galmada.
Waxanay ku baaqday in Maanta iyo mar kastaba loo istaago dhowrista xuquuqda Aadanaha, amniga iyo ilaalinta sharafta Haweenka meel kasta oo ay joogaan.
Isha/reliefweb