Golaha Wasiirrada K/Galbeed oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay

Date:

Baydhabo-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, Mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta –gareen, ayaa Maanta guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee Golaha wasiirrada Maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay Wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo Madaxweyne Lafta gareen.

Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen Wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dar-dar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed.

Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ay ka mid Yihiin Biyo yarida ,amniga, Caafimaadka , Waxbasharada , Caddaaladda Iyo furidda waddooyinka ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamanka Koonfur galbeed Soomaaliya Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa...

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...