Wasiir Beyle “Dadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Dadaalka dawladda ee horumarinta dhaqaallaha dalka uu miro dhalay, guulna laga gaaray dib u habeynta siyaasdeed ee  hanaanka maamulka maaliyadeed.

“Dadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay sida ku cad warbixinta ay soo saartay  IMF” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabbaha Horumarka iyo guusha, islamarkaana godkii madoobaa ay kasoo baxday, waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ku ammaanay dadaalka ay ka geeysanayaan horumarka dhaqaallaha.

“Godkii madoobaa waanu ka soo baxnay, waxaanu saaranahay dhabbihii caddaa ee guusha, Hadaan nahay ummadda Soomaaliyeed waa in aan dadaalkeena sii laba laabnaa”

“Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed oo masuul ka ah horumar walba oo aan sameyno, hadaysan canshuur bixin laheyn isla markaana aysan la shaqeyn laheyn Dowladdooda maanta ma gaari laheyn guul walba oo aanu gaarnay” ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle.

Hay’adda (IMF) ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay waxay Dowladda Soomaaliya ku ammaantay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, kobaca daqliga soo gala dowladda, taasi oo ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey siddii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha, waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...