R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo Ankara uga qeyb galay Doorashada Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga

Date:

Ankara (SNTV): Waxaa magaaladda Ankara ee Dalka Turkiga lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guud iyo Guddoomiyaha Gollaha dhexe ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (UMASET).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xildhibaanno ka tirsan  labada  Aqal  ee baarlamaanka Soomaaliya, Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga yo Howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee Ankara ayaa goob-joog ka ahaa doorashada.

Doorashada oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha UMASET Shacraawi Maxamed Bashir Halka Guddoomiyaha Gollaha dhexe loo doortay Cabdullaahi Isaaq Cumar oo ah arday heerka labaada ee jaamacada (Master ).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku bogaadiyay Ardayda wax ka barata dalka Turkiga in ay ka faa’idaystaan fursadaha ay maanta haystaan oo aysan heysan dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyaga la mid ah, isagoona u Hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub  ay doorteen Ardayda.

Ururka Ardayda UMASET ayaa la aas aasay February 2015 taasi oo dabooshay baahidii ay ardayda Soomaaliyeed ee dalka turkiga u qabeen Urur ay ku mideysan yihiin Ardayda  Soomaaliyeed ee waxkabarta  dalka Turkiga, iyadoona kaalin aas aaska Ururka uu ka qaatay U qeybsanaha Arimaha Tacliinta Hidaha iyo dhaqanka  ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Cabdicazis Sheekh Cabdiraxmaan.

ifrah Abdullahi (Ankara)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...