Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dad shacab ah ku xasuuqay Gobolka Sh/hoose

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen inta u dhaxeyso deegaanada Lafoole iyo Carbiska ay ku dileen 9-ruux oo lix ka mid ah yihiin Dumar.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare ayaa SONNA u sheegay in dadka la dilay ay ka shaqeynayeen Barnaamij isxilqaan oo geedaha laga jarayay wadada hareeraheeda,halkaasina ay ku soo weerareen maleeshiyo gaari wadatay oo xasuuqa u geystay dadkaasi masaakiinta ah.

“ Dad masaakiin ah oo loogu talagalay arrin isxilqaan ah oo annaga aan abaabulnay oo ka shaqeynay iney geedaha ka jaraan wadada ayaa nimanka nabad diidka ah u yimaadeen kuna xasuuqeen, iyagoo halkaasi ku dilay 9-ruux oo lix ka mid ah ay yihiin Dumar,sidoo kale maleeshiyada ayaa horay u watay gabar dhexda ayay ku dileen,” ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay u gurmadeen dadkii waxyeelada soo gaartay,islamarkaana ay ku daba jiraan kooxaha arxan laawayaasha ah ee weerarka soo qaaday.

Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku tilmaamay maleeshiyada Al-Shabaab iney yihiin kuwo ka soo horjeeda horumarka iyo nabada,islamarkaana si joogta ah u beegsadaan shacabka si iskood ah u dhisanaya dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...