Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dad shacab ah ku xasuuqay Gobolka Sh/hoose

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen inta u dhaxeyso deegaanada Lafoole iyo Carbiska ay ku dileen 9-ruux oo lix ka mid ah yihiin Dumar.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare ayaa SONNA u sheegay in dadka la dilay ay ka shaqeynayeen Barnaamij isxilqaan oo geedaha laga jarayay wadada hareeraheeda,halkaasina ay ku soo weerareen maleeshiyo gaari wadatay oo xasuuqa u geystay dadkaasi masaakiinta ah.

“ Dad masaakiin ah oo loogu talagalay arrin isxilqaan ah oo annaga aan abaabulnay oo ka shaqeynay iney geedaha ka jaraan wadada ayaa nimanka nabad diidka ah u yimaadeen kuna xasuuqeen, iyagoo halkaasi ku dilay 9-ruux oo lix ka mid ah ay yihiin Dumar,sidoo kale maleeshiyada ayaa horay u watay gabar dhexda ayay ku dileen,” ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay u gurmadeen dadkii waxyeelada soo gaartay,islamarkaana ay ku daba jiraan kooxaha arxan laawayaasha ah ee weerarka soo qaaday.

Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku tilmaamay maleeshiyada Al-Shabaab iney yihiin kuwo ka soo horjeeda horumarka iyo nabada,islamarkaana si joogta ah u beegsadaan shacabka si iskood ah u dhisanaya dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...