Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

Date:

USA-(SNTV)- Cabdi Yuusuf Xasan, oo ah muwaaddin Soomaaliyeed, ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka, markii lagu eedeeyay Afduub wariye oo ka dhacay Gaalkacyo January 2012-kii.

Muwaaddin, Cabdi Yuusuf, ayaa lagu soo eedeeyay inuu Gacan weyn ku lahaa qafaalashada, Wariye, Michael Scott Moore, kaas oo muddo Saddex Sana ah lagu haystay Gobolka Mudug.

Michael Scott Moore, oo ah Jarmal haysta dhalashada Dalka Mareykanka, ayaa xilligii la Afduubanayay diyaarinayay war-bixinno ku saabsan Burcad-Badeedda Soomaaliya.

Cabdi Yuusuf, ayaa loo haystaa inuu maleegay shirqoolka lagu Afduubtay Wariyaha, isla markaana ku dhowaaqay dalab Madax furasho oo gaaraya 20 Milyan oo Doollar, waloow aan la caddeeyn in la siiyay iyo in kale.

Wariye, Michael Scott Moore, oo ahaa Suxufi madax bannaan, waxna ka qora arrimaha Burcad Badeedda ayaa lasii daayay, 23-kii  September, 2014.

Sida ay sheegtay Maxkamadda Magaalada New York, Cabdi Yuusuf ,oo 51 jir ah, oo ku dhashay Magaalada Muqdisho, haystana dhalashada Maraykanka ayaa wajahaya dacwado kale oo ay ka mid yihiin Afduub iyo haysasho Hub Sharci darro ah.

Isha/ Indebendent

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...