Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika

Date:

Pretoria-(SNTV)-Ugu yaraan Saddex Qof oo ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay mid kalana dhaawac culus ayaa soo gaaray, markii ay kooxo Burcad Koofur Afrikaan ah weerar ku qaadeen Meherado ay ku lahaayeen Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalkaasi

Meydadka Saddexda Qof oo dhammaantood Rag ahaa ayaa Maanta lagu aasay duleedka Magaalada Pretoria, halka Ninka dhaawaca ah oo ay xaaladdiisu liidatana lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee Magaalada.

Mahad Geeddi Salaad oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Pretoria, ayaa BBC-da u sheegay in ay Jaaliyadda ku sugan halkaasi qabanayaan kulammo lagaga arrinsanayo dilalka soo laalaabtay, maaddaama ay laamaha ammaanku wax ka qaban waayeen cabashadooda.

“Waxaan u malaynayaa in ay Ragga dhaca geysanaya ay tababaran yihiin, waayo markii hore marka layska celiyo ama lala dagaallamo ayay Dadka layn jireen, hadda Qofka ayay dilayaan ka dibna wey dhacayaan”, ayuu yiri Mahad.

Weerarradan lagu ugaarsanayo Dadka Ajaanibta ah ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika ayuu ku macneeyay Mahad, mid barakicin ah oo lagula dagaallamyo dhaq-dhaqaaqyada iyo howlaha ganacsi ee ay halkaasi ka wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...