Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta gudiga Madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka ka dib Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga La socodka iyo Hirgalinta Dastuurka ee BFS, Masuuliyiin ka socotay Golaha Aqalka sare , Gudiga dib u eegista Dastuurka ee BFS, Lataliayaal Arrimaha dastuurka, UNDP iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa Madasha goobjoog ka ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa waxa uu sheegay in dhulka xaruntan laga furay uu ugu deeqay Golaha Aqalka Sare, dhismahana ay fududeeyeen UNDP iyo Wadamo taageera Soomaaliya.

Sen, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha Guddiga La socodka iyo Hirgalinta Dastuurka ee BFS ayaa sheegay in Xukuumada iyo UNDP looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii Dowlad Goboleedyda Xubnahooda dib u eegista dastuurka ay ugu soo dari lahaayeen howshan socota.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ku amaanay sida uu ugu dadaalay isku keenida Hay’adaha qaabilsan Dastuurka si wadajir ahna ay u shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ugu dambeyn Goobta ka hadlay wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida ay u wada shaqaynayaan Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Dastuurka ayna diyaar u yihiin gacansiintooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...