Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...